|
Jabouti,(insidesomalia.org)- waxaa maanta Dalka Jabuuti Soogaarey xubnihii Guddiyada ka kala socday Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya, kuwaasi oo maalinta berri ah ay wada hadallo uga furmidoono Magaalada Djibouti.
Shirka ay isku soo hor-fariisinayaan guddiyadan ka kala socda Dowladda iyo Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa wuxuu yahay mid farsamo oo ay guddiyada labada dhinac ku jeex jeexayaan sidii ay isula meel dhigi lahaayeen in la helo jawi lagu xaliyo mushkiladda kajira Dalka Soomaaliya, isla markaana ay ku wada hadlaan Mas’uuliyiinta labada dhinac, iyadoo sidoo kalena ay ka wada hadlayaan qaarta ay Ciidamada Itoobiya Gudaha Dalka Soomaaliya kabaxeyso.
Xubnaha Dowladda Federaalka uga qeybgelaya Wada hadallada lagu wado in ay bari furmaan ayaa waxaa kamid ah:-
C/risaaq Ashkir Cabdi
Maxamed Cali Xaamud
Nuur Iidow Beyle
Maxamed Maxamuud Xeyd
C/llaahi Shiikh Ismaaciil,
C/raxmaan Jaamac,
Cabdalla Boos Axmed,
Ibrahim Garabey
Ismaaciil Macallin Muuse,
Sidoo kale Xubnaha Isbaheysiga dib u xoreynta uga qeybgelaya wada hadalladan ayaa waxaa iyana kamid ah:-
Prof. Ibraahim Xasan Caddow
Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi
C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane
C/raxmaan Maxamuud Jinaqow
C/raxmaan Dheere
Cumar Idiris
Iyo xubin kale oo aanan magaceeda helin.
Maalinta berri ah oo ay Bisha May ku beegan tahay 10 ayay guddiyada labada dhinac yeelanayaan wada hadallo ay dhexdhexaadineyso Qaramada Midoobay iyo Dowladda Jibouti, kuwaasi oo xal loogu raadinayo xaalada murugsan ee kataagan Soomaaliya, iyadoo haddii ay miro ka soo baxaan wada hadalladaan uu Shir weyn ka dhici doono Dalka Boqortooyada Sacuudiga, kaasi oo la filayo in ay isku soo hor-fariistaan Madaxda labada dhinac eek u muransan Siyaasada Soomaaliya.
|